www.HARGEISA.TEL

Meydka Wiil Dhalinyaro ahaa oo Laga Helay bali Ku Yaal Magaalada Hargeysa!!!

Waxaa maanta bali ku yaal magaalada Hargeysa gaar ahaan duleedka Koonfureed ee caasimada laga helay meydka ruux dadka deegaanka kamid ahaa oo goob biyaha roobka ay fariisteen ku geeriyooday.

Ruuxa geeriyooday ayaa ahaa rag kaasi oo dadka deegaanka ay sheegeen inuu ku dabaalanayay goob biyaha roobka ay fadhiyeen, markii danbe ruuxaasi ayaa ku dhax dhacay bohol ku taalay goobta biyaha baliga ay fadhiyeen, taasi oo markii danbe sabab u noqotay marxuumka inuu goobta ku geeriyoodo.

Ciidamo katirsan kuwa dab damiska magaalada hargeysa oo loo sheegay in ruux meesha uu ku dhacay ayaa ciidamadii aynan si dhaqsi ah ku soo gaarin halka mashaqada ay ka taagneyd, ruuxa biyaha ku dhax dhacayna uu awoodi wayay inuu dibada is ku soo saaro, taasi oo sababtay inuu halkiisa ku quur boxo.

Dhanke kale kadib soo gaarista ciidamada bad baadada musiibooyinka Somaliland ee dabdamisyada qaabilsan ayaa u suura galin iney qaab dabaal ahaan ku helaan qofka meydka eek u dhacay godka, waqti dheer kadib ciidamada markii ay wayeen iney soo helaan meydka ayaa waxey u adeegsadeen howlgalka Cagaf Cagaf, iyadoo Balligiina Biyihii Dibada looga saaray, sidaana lagu helay meydka ruuxa geeriyooday.

Helada qaraabada asxaapta ruuxa ku quur baxay biyaha dhaxdooda oo joogay iyaga iyo dad bara badan oo daawanayay qaabka loo soo saaray ninka meydka ee biyaha dhaxdooda ku geeriyooday ayaa laga dheehanayay sawiro laga soo qaaday, murugo fara badan maadaami aysan awoodi Karin iney soo saartaan wiilkooda oo goob biyo ay fadhiyan indhahoodana ay ku arkayaan laga soo dhax saarayo.

Dhacdadan ayaa aheyn mid ugub ku ah dadka ku dhaqan duleedka Koonfureed ee magaalada Hargeysa, mar walba oo Nimcad Alle Hoorto baliyadana ay biyo dhigaan, sidaan oo kale ay ugu dhacaan dadka deegaanka qaarkood, iyaga oo is leh dabaasha ama san bariiraxid awgeyd biyaha ugu dhax dhaca.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*