Meeqo Ayey Gaarayaan Xoola Dhaqato Lagu Dilay Duqeymo ka Dhacay Deegaanka Buula Xaaji

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaarado dagaal ay ka fuliyeen deegaanka Buula Xaaji ee duleedka magaalada Kismaayo.

Mid kamid ah dadka deegaanka Buula Xaaji oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in duqeynta lagu waxyeeleeyay dad shacab ah oo xoolo dhaqato iska ahaa.

Goobjoogaha ayaa sido kale sheegay 3 Ruux oo xoolo dhaqato ahaa in duqeyntaasi diyaaradeed lagu dilay, ayna jiraan dad ku dhaawacmay oo loo qaaday Xarumaha Caafimaad ee Magaalada Kismaayo.

Ilaa iyo hada lama oga diyaaradahaasi Dagaaal, dowladda laga leeyahay Mareykanka ama Amisom.

Masuuliyiin katirsan Jubbaland oo Xiriiro ay la sameysay Idaacada Simba ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan duqeytaaasi lagu dilay dadka Shacabka ahaa.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada cirka ah, kadib markii madaxda Mareykanka ay ku amreen saraakiisha USA ee ka howlgasha Soomaaliya iney kordhiyaan Weerarada Cirka ah ee ka dhanka ah Alqaacidda Soomaaliya.

Weeraro badan oo dhanka cirka ah ayaa waxyeelo lagu gaarsiiyay dad shacab ah oo an waxba galabsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*