Maxkamadda Sare ee Kenya oo Ducaale u Xukmisay Kursigii Muranka uu Ka Taagnaa+Sawirro

Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa go’aan ka gaartay muran muddo u soo dhaxeeyay Xildhibaan  Aden Duale iyo Farah macalin oo horay ugu tartamay kursiga Xildhibaan ee magaalada Gariza.

Waxaana kursigaasi horay ugu soo baxay Aden Duale oo noqday Xildhibaan katirsan dowladda Kenya.

Farah macalin oo horay u soo noqday gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya ahaana Xildhibaan looga guulaystay kursiga garisa ayaa ku qanci waayay guushaas laga gaaray asagoona dacwad ka dhan ah in si sharci dara ah looga guulaystay uu geeyay maxkamada sare ee dalka Kenya.

Maxkamda sare ee dalka Kenya ayaa saakay go’aan ka gaartay murankaas ayadoona kursigaasi u xukuntay in uu ku guulaystay Xildhibaan Aden Duale.

Maxkamada sare ee Kenya ayaa sheegaty in uu ku guul daraystay Ex-xildhibaan Farah macalin in uu maxkamada hor keeno cadeemo muujinaya in doorashada looga guulaystay lamasuq maasuqay.

Doorashadan muranka badan dhalisay ayaa dhacday 8’dii August ee sanadkii aynu soo dhaafnay 2017 ayadoona doorashadaas uu ku guulaystay Xildhibaan Aadan Duale.

Xildhibaan Duale ayaa ugu danbayntii u mahadceliyay  markii ay maxkamadu u xukmisay kursiga qareenadii difaacay iyo dhamaan dadkii taageerada u muujiyay ee reer gariza kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay doorteen qofkii u haboonaa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*