Maxkamadd Xukun Ku Riday Sarkaal Ka Tirsana Dowladii Siyaad Barre

Maxkamadd ku taala Dalka Mareykanka ayaa Xukun ku riday Kornayl Yusuf Cabdi Cali oo ku magac-dheer Kornayl Tuke, oo ka Tirsanaa Saraakiishii hore ee Ciidamadii Malatariga Dowladdii Maxamed Siyaad barre.

Sarkaalka ayaa lagu eedeeyay inuu jirdil gaystay xilligii uu socday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

Kornaylka ayaa maalmihii ugu dambeeyay taxi wade ka ahaa gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, ka hor intaan shaqadaas laga joojinin.

Konrnayl Tuke ayaa waxaa dacwo ka gudbiyay Farxaan Taani Warfa, oo sheegay inuu jirdil iyo toogasho u gaystay,waxaana lagu xukumay  inuu bixiyo magdhaw gaaraya 500,000 oo doollar.

Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, Kornaylka wuxuu kamid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter.

Wuxuu dowladdii kacaanka ka ahaa taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo la sheegay in uu ka geystay goboladii waqooyi oo haatan la yirahdo Somaliland.

Dhacdooyinka lagu eedeeyay ayaa la sheegay inay dhaceen sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudbiyay.

Kornaylkan Soomaaliyeed ayaa loo heystaa dil 30 sanno ka hor dad rayid ah oo loogu geystay Magaalada Gabilay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.