Maxaabis Al-shabaab ahaa oo Ka Baxsaday Xabsi Ku Yaala Magaaladda Garoowe

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaaladda Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland, waxaa xabsi guri ka baxsaday 13 ka tirsanaa dagaalyahanadii Al-Shabaab ee lagu qabtey dagaaladii ka dhacay deegaanada  Suuj, Garmaal iyo weliba Garacad ee Gobolka Mudug.

Guriga lagu hayey dhalinyarada baxsatey ayaa loogu yeeraa Safe House, waxaana mashruuc ku qaatey, shirkad si gaar ah loo leeyahay, waxaana ilaalo ka hayey askar aan dowli ahayn oo gaar ah (Private Army).

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah dhalinyaradaas dib loo qabtey kadib howlgal la sameeyay, halka 12 kale aan wali gacan lagu haynin.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shirkadda qaadatey qandaraaska lagu dhaqan celinaayo dhalinyarada in ay ka dhigatey mashruuc aan dhamaan.

Al-Shabaab-ka ka baxsadey guriga amnigooda lagu sugayey ee Safe House ayaa weji gabax ku ah maamulka Puntland waxaana la is weydiinayaa khatarta ay keeni karto arrintan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*