Maxaa Laga Filan Karaa Kulanka Gn. Indhaqarshe Iyo Axmed Madoobe (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliya Gen- Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa Maanta Gaaaray Magaalada Kismaayo, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

hogaamiyaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa taliyaha ku qaabbilay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Maamul Jubbaland.

Gen: Daahir Aaden Cilmi, ayaa sheegay inay booqashadiisa Kismaayo ku saabsan tahay in uu Indha-indheyn ku sameeyo una kuur-galo xaaladda Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Kismaayo waxaan u nimid inaan kormeerno, xaqiijinno, ogaanno xaaladda dhabta ah ee Qaybta 43-aad, oo ah qaybaha ugu muhiimsan CXDS, sababta aan u leennahayna waxa weeye waa meesha ugu badan ee Xuddudta u ah Nimankaas Alqaaida marka qasab bay nagu tahay inaannu aad iyo aad ugu kuurgalno”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliya Gen- Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe).

Wuxuu sheegay taliyuhu inuu aaminsan yahay in haddii uu Ciidanka ku sugan degaannada Jubbaland helo Agab Militeri oo ku filan in uu cirib tiri karo Ciidamada Al shabaab, kana saarayo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan, kana dul qaado dhibta saran Shacabka Soomaaliyeed. Ayuu Yiri Taliyaha.

Maamulka Jubbaland iyo madaxda dowladda dhaxe ayaa waxaa ka dhax taagnaa khilaaf xoogan oo sababay xitaa saraakiishii dowladda ay u xilsaartay maamulkaasi in lagu xiro garoonka Magaalada Kismaayo oo dib loogu soo musaafariyo mgaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Safarka Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliya Gen- Daahir Aadan Cilmi ayaa laga yaabaa inuu soo af jaro khilaafka dhanka Military ee dhax yaalay maamulkaasi iyo kan taliska ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*