Maxaa Kusoo Kordhay Shacabka Lagu Toogtay Muqdisho Iyo Khasaaraha Ciidanka AMISOM

Warar kii ugu danbeeyay qaraxyo khasaare geystay oo ciidanka Amisom lagula eegtay gudaha degmada Hiliwaa ayaa sheegaya inuu jiro khasaare soo gaaray ciidanka AMISOMee  Qaraxa la kulmay.

Qaraxyada ayaa la sheegay iney gaarayaan ilaa laba qarax oo lala eegtay kolonyo ciidanka AMISOM katirsan oo marayay suuq ku yaal xaafada Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay hordha khasaaraha ciidanka AMISOM ayaa gaaray dhimashada darawalkii ka xeynayay gaariga uu qaraxa haleelay oo hada la sheegayo inuu ku gubanayo xaafada suuqa Xoolaha ee Muqdisho.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Simba u xaqiijiyay in wali goobta uu qaraxa ka dhacay ay ku sugan yihiin ciidamo katirsan AMISOM oo wali la jooga gaariga qaraxa uu haleelay ee goobta ku gubanaya.

Dhanka kale shacab fara badan oo ka carooday qaraxa kadib ciidanka AMISOM 5 ruux oo goobta ay ku toogteen ayaa isku gadaamay halka uu ku gubanayo gaariga ay wateen ciidanka AMISOM, balse ciidanka AMISOM ee goobta ku sugan ayaa ridaya rasaas ay ku diidayaan shacabka iney ka ag dhawaadaan.

Marka laga tago 5-ta ruux ee ciidanka AMISOM rasaasta la dhaceen ayaa sido kale waxaa jiro 4 ruux oo ku dhaawacantay rasaasta ay fureen ciidanka qaraxa kula kulmay degmada Hiliwaa ee gobalka Banaadir.

Majirto Ilaa Iminka Cid Sheegatay Masuuliyada Qaraxyada Lagu Weeraray Ciidamada AMISOM.

KALA SOCO WAXII KUSOO KORDHA WWW.SIMBANEWS.COM AMA .NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*