Maxaa ku Soo Kordhay Weerarkii Xalay Lagu Qaaday Afgooye oo Lagu Dilay Rag Katirsanaa Al-shabaab

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Xarakadda Al-shabaab xalay ku dhexmaray Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar  ku qaadeen Degmada waxayna kasoo galeen dhanka buundada yar oo ay ku sugyihiin Ciidamadda Dowladda Soomaliya, waxaana halkaas ka dhacay dagaal aad u xoogan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ee Gobalka shabeelada hoose oo la hadlay idaacada Simba ayaa inoo xaqiijiyay inuu jiro dagaalkaasi, laguna dilay ilaa sadax askari oo katirsanaa shabaab kii weerarka kusoo qaaday ciidama dowladda ee barkoontarool ku leh , Buundada yare e degamda Afgooye.

Wali dhanka Al-shabaab wax war ah kama soo bixin oo ku aadan in ciidamo looga dilay weerar xalay ay ku qaadeen ciiidamo katirsan dowladda soomaaliya oo fariisimo ku leh, aaga Buundada yare e Afgooye.

Wararkii ugu danbeeyay eek u aadan dagaalka ayaa sheegay in laamaha kala duwan ee amniga iyo Booliska ay sameynayaan sakay howlgalo ay ku baadi goobayaan ragii ka danbeeyay weerarka.

Mudooyinkii danbe Al-shabaab ayaa waxey habeenada qaar weeraro ku qaadayeen saldhigyada ciidama dowladda ay ku leeyihiin Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*