Maxaa Kala Socotaa In Soomaaliya La Siinayo €89 Million Yuuro Oo U Dhiganta $105 Million Dolllar

Midowga Yurub ayaa sheegay inay Soomaaliya ugu yaboohi doonaan dhaqaale gaaraya €89 Million oo Yuuro, oo u dhiganta ku dhowaad $105 Million oo Doollar, sida laga soo xigtay guddida Yurub.

Warkan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa imanaya xilli la qorsheynayo inuu dhowaan Brussels ku qabsoomo shirka madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub Todobaadka soo socda.

Christos Stylianides Guddoomiyaha Midowga Yurub ayaa bayaankan ku sheegay inay deeqdan Lacageed ugu tala galeen arrimaha Bini’aaddannimada, sida Dadka Labadii Sana ee ugu dambeeysay ku wax yeelloobay abaaraha, Fatahaadaha, Milaayiintii Qof ee ay Xoolahooda dhaafeen, iyo Dadka ay saameeyeen shaqaaqooyinka ka dhacay Dalka Soomaaliya.

“Waxaan bartilmaameedsan doonnaa Bulshada teeda nugul, waxaanan mudnaanta siin doonnaa Dadka Gacan qabashada dhabta ah, kuwa ay saamaynta ku yeesheen is beddeladii Cimmilada iyo kuwa ku waxyeelloobay shaqaaqooyinkii ka dhacay Soomaaliya” ayuu bayaankiisa ku sheegay Mr; Stylianides.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay Soomaaliya u qoondeeyeen Sanadkii hore gargaar Lacageed oo ka badan kii hore, kaasoo gaaraya 119 Milyan Yuuro, una dhiganta 135 Milyan oo Doollar,kaasoo wax weyn ka tari doona xaaladda soo kabashada dhibaataddii ka dhalatay abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha.

 

Isha/ Anadolu

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*