Masuuliyiintii DFS ee Ku Xanibnaa Jomo Kenyatta oo Muqdisho Lagu Soo Celiyay

Wasiir ku-xigeen ka tirsan Xukuumadda Federaalka Somaliya iyo laba Senator oo Aqalka Sare kamid ah ayaa saakay dib loogu soo celiyay magaaladda Muqdisho.

Saddexda masuul ee dib loogu soo celiyay Muqdisho, ayaa kala ah Wasiir Ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Libaax iyo labada Senator ee kala ah Senator Ilyaas Cali Xasan iyo Senator Zamzam Dahir.

Mas’uuliyiintaan ayaa in ka badan 15-saacadood ku xayirnaa garoonka Magaalada Nairobi kadib markii Dowladda Kenya ay diiday in ay ugu dhufato Viisaha dal ku galka, waxaana ay wateen xubnahan baasaboorka diblumaasiga.

Xalay waxay ku hoydeen gudaha Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee dalka Kenya,waxaana saakay dib loogu soo celiyay Magaalada muqdisho.

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa ilaa haatan wax war ah kasoo saarin go’aanka lagu xayiray wasiir Ku xigeen ka tirsan Xukuumadda Somaliya iyo laba Senator, oo shirar ugu qeyb gali lahaa Magaaladda Nairobi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.