Mas,uul Ka Tirsan DFS oo Sheegay in Hanjabaadyo Kala Kulmo Saraakiil Kenyaan ah

Mas’uul ka tirsan Maamulka Degmadda Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in maalin waliba uu hanjabaadyo kala kulmo saraakiil kenyaan ah oo ku sugan degmada Ceel-waaq.

Sahal Macalin aadan gudoomiye Ku-xigeenka Ceelwaq oo la hadlay idaacadda Simba ee Muqdisho ayaa sheegay in hanjabaadyo aan kala joogsi laheyn ay kala kulmaan saraakiisha Kenyaan-ka.

Waxa uu sheegay in xarunta Degmadda Ceel-waaq uu ku go’doomiyay sarkaal Kenyaan ah oo wata Ciidamo fara badan,islamarkaana dhaqdha qaaqooda la xadiday.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mushaar aysan qaadanin muddo bilooyin ah,islamarkaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dayacday.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.