Markab Xamuul ah oo Laga Lahaa Dalka India oo La Afduubtay

Markab xamuul ah oo laga lahaa dalka India kaa oo ka soo shareecday Magaalada Abu-Dubai ee isutaga imaaratka carabta kuna wajahnaa Dagadda Mukalla ee dalka yeman ayaa waxaa afduubtay kooxo burcad badeed Soomaali ah iyadoo 11 kamid ah shaqaalaha markabkaasi imika la heystayaal u ah kooxda burcad badeeda ee gacanta ku dhigtay.

Dhacdada afduubkan ayaa dhacday 1-dii bishan april oo kooxo hubeysan ay gacanta ku dhigeen.

Kabtanka markabkaasi ayaa durbadiiba ku wergeliyay maamulka Dubai iyo wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi falka afduubka ah ee markabka lagula kacay.

Mid kamid ah maraakiibta ku howlgalo magaca la’dagaalanka burcad-badeeda ee hubeysan ayaa sheegay kooxda burcad badeeda ah ay weerari doonaan iyagoo sheegay in si dhaqsi leh lagu soo badbaadin doono markabka iyo shaqaalihiisa.

Kooxaha burcad badeeda ayey adag tahay in la’weeraro si loo badbaadiyo markab ay afduubteen waxaana u jeedkooda uu yahay lacago madax furasho ah in ay qaataan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*