Mareykanka oo War Kasoo Saaray Duqeyn Ka Dhacday Gobolka Jubbadda Dhexe

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ciidamadeeda gaarka ah ay dileen labo dagaal yahan oo ka tirsanaa Al Shabaab kadib duqeymo ay ka fuliyeen koofurta Somalia.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel u dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbadda Dhexe, waxa ayna dhacday axaddii lasoo dhaafay.

Magaalada Jilib ayaa kamid ah goobaha ay maamulaan dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana sirdoonka Somalia iyo kan reer galbeed kuba aaminsan yihiin in madaxda ugu sareysa Al Shabab ay halkaasi ku sugan yihiin.

Taliska howlgalka Mareykanka ee qaaradda Africa marka magaciisa lasoo gaabiyana loo yaqaan AFRICOM ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in howlgalkani ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Somalia iyo military ga Mareykanka.

Qoraalka AFRICOM waxaa sidoo kale lagu sheegay in duqeyntan aysan waxyeello kasoo gaarin dadka shacabka ah oo uusan jirin dhaawac ama dhimasho soo gaartay dadka rayidka ah.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntan iyo duqeymaha kale ee uu ka fuliyo Somalia ay yihiin kuwo uu ku taageerayo dowladda Somalia iyo ciidamadeeda, laguna wiiqayo awoodda Al Shabaab.

Tan iyo sanadkii 2017, military ga Mareykanka ayaa kordhiyey duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee uu ka fuliyo Somaliya.

Al Shabaab ayaa maamulo qeybo kamid ah dhulka baadiyaha ah ee koofurta iyo bartamaha Somalia waxa ayna sidoo kale weeraro ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.