Mareykanka oo Sheegay in Duqeyn uu Ku Dilay Xubno Ka Tirsanaa Al-shabaab

Ciidamadda Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn jimcihii ay ka fuliyeen gobolka Jubada Hoose ee Somalia ay ku dileen labo dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabab.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Africom duqeynta ayaa bar bar socotay howlgalo ay ciidamada dowladda Somalia sameynayeen, waxa ayna ahaayeen duqeyntii labaad ee todobaadkaan.

Weerarkan duqeynta ah waxa laga fuliyey degmada Jamaame oo 50 km kilometer u jiro magaalada kismaayo oo ah magaalo madaxda gobolka Jubada Hoose.

Africom ayaa sheegtay in duqeyntan aysan waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka ah, oo uusan jirin qof shacab ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeyntan.

Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadayo duqeymaha uu la beegsado dagaalyahanada Al Shabaab, waxa uuna tilmaamay inay qeyb ka tahay taageerada uu siinayo dowlada Federal-ka Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.