Mareykanka oo Sheegay in Duqeyn uu Ku Dilay Xubno Ka Tirsan Shabaab

Dowldda mareykanka ayaa war kasoo saartay duqeyn diyaaradaheeda ay ka fuliyeen deegaanka Awdhiigle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,taasi oo dhacday 18-ka bishaan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee (Africom) ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu beegsaday dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo la socday gaari.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab,hayeeshee ay soo gaartay war ku saabsan in dad rayid ah ay wax kasoo gaareen.

Mareykanka ayaa sheegay in baaritaan uu ku sameyn doono wararka ku aadan in duqeynta dadka shacab ahaa lala beegsaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.