Mareykanka oo Duqeeyay Gaari Shacab ah Ay Saarnaayeen Shabeelaha Hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in diyaaradaha mareykanka ay duqey la beegsadeen gaari rakaab ah oo ay dad shacab ah saarnaayeen.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaanka Caddoow Dibille ee hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka duqeynta ayaa dhalisay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii shacabka ahaa e gaariga saarnaa,waxaa la shegay in gaariga dadka saarnaa uu kamid ahaa Ganacsade caan ah.

Mareykanka ayaa sidaan oo kale u duqeeyay gaari shacab ay saarnaayeen Gobolka Shabeelaha Hoose,isagoo kaga shakisan in ay saaran yihiin Saraakiil Shabaab ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.