Ciidamo katirsan kuwa Komaandooska Xooga Dalka Jarmalka

Mareykanka iyo Al-shabaab oo Ku Dagaalamay Degmadda Janaale

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Xarakadda Al-shabaab iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Mareykanka ayaa xalay ka dhacay Degmadda Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, dhinacyadda halkaas ku dagaalamay ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Diyaaraha Mareykanka ayaa dagaalka kadib duqeeyay Goobo ku yaala Degmadda janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose oo sanado ka hor ay la wareegeen Xarakadda Al-shabaab,kadib markii ay isaga baxeyn Ciidamadda AMISOM.

Dhanka kale Shabaab oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ciidamadooda ay fashileen weerar kaga yimid ciidamadda Huwanta ah,islamarkaana goobaha la duqeeyay ay shacabka daganaayeen.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*