Majibu Ssebyara, Al-shabaab ayuu Hub Siiyay Kadib Waxaa La Beeliyay Xubintii Raganimadiisa

Wargeyska The Minitor ayaa todobaadkaan daabacay war ku aadan in saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ee ku sugan Soomaliya ay jirdil aan loo meel dayin ay u geysteen askari ka tirsan Ciidamada Kaasi uu waayay xubintii Raganimadiisa.

Majibu Ssebyara waa askari u dhashay dalka Uganda waxaa dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya si loogu Maxkamdeeyo waxaa horey jirdil ugu geystay Saraakiil ka Tirsan Ciidamda Uganda xili uu muddo ku xirnaa meel ku dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Entebbe ee Dalka Uganda.

Sababta keentay inuu askarigaan ciqabtaan la kulmo ayaa lagu sheegay inay tahay markii lagu helay inuu Al-Shabaab ka iibiyey hul aad u cul culus sanadkii 2014 markaas oo uu ahaa askari ka tirsan ciidamadii AMISOM ee ku sugnaa Soomaaliya gaar ahaan Jannaale oo ka tirsan Shabeelada Hoose.

Sidii loo jirdilayay ayaa waxa ay keentay in uu suuxo islamarkaana isbitaal loola cararo, ugu dambeyntii dhaqaatirta ayaa xaqiijisay in uu waayay xubintiisa taranka kadib markii loo geystay jirdil aad u xoogan oo aan loo meel dayin.

Askarigaan ayaa la xaqiijiyey in Magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyey talaadadii lasoo dhaafay si loogu soo taago maxkamad falkii uu geystay inkastoo qareenada askarigaan ay sheegeen in loo geystay dhibaato ka badan middii u geystay taasna ay xad gudub weyn ku tahay xuquuqul insaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*