Madaxweyne Waare oo Ka Hadlay Go’aanka Wasaaradda Waxbarashada

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo maanta ku laabtay Jowhar  kadib maalmihii la soo dhaafay uu shir kaga qeyb galayay Magaaladda  Garoowe ayaa la hadlayay boqolaal arday ah oo saaka isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Jowhar waxana uu ku amray guddiga qaadista imtixaanka oo ay wasaarada waxbarashada Dowladda Federaalka soo dirtay inay dib ugu laabtaan Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Hir-shabeelle ay gooni u qaadan doonto Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, kadib  go’aankii xalay kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ku aadanaa in la joojiyay imtixaanka Dowladda.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya inay isla xisaabtan sameyso oo si deg-deg ah cidii fashilisay imtixaanka u shaaciso.

“Howshiinii waad gabteen meeshaad ka timideen ku noqdeen amnigiina iyo joogitaankiina dhibaatuu nagu yahay.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.