Madaxweyne Sheegay in Weeraro ay Kusoo Wajahan Yihiin Magaaladda Muqdisho!

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in faraha uu kasii baxayo amniga magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in weeraradii ka dhacay Magaaladda bilooyinkii lasoo dhaafay ay muujinayaan sida aan diyaarka loogu aheyn in wax laga qabto sugidda amniga.

Dhanka kale Madaxweynaha Hir-shabeelle ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo weeraro kale oo ka dhaca magaaladda, wuxuuna ugu baaqay Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya inay is ilaaliyaan oo ay aad u taxadaraan.

“Magaalada qad cagaaran ayaa u yaalla, amniga faraha ayuu ka baxay walwal badan ayaan ka qabnaa, xildhibaanada wixii hada ka dambeeya is ilaaliya, waa hadal uu sheegay nin oday ah oo weyn, xaalada magaalada way is bedeshay”. Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Hadalkaan ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka haatan u dhaxeeya Madaxda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, iyo kuwa Maamul Goboleedyadda dalka ka jira.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaan loogu baranin in uu eedeen usoo jeediyo Madaxda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya,waxaana inta badan xarun u ah Magaaladda Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*