Madaxweyne Shariif Oo Ku Guul-dareystay Dhagar Uu la Damacsanaa Xildhibaano +Dhageyso

Waxaa dhawaan lagu wadaa in deegaanada koofur galbeed ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo la filayo in is buucyada soo socda halkaasi ay ka dhacdo.

Madaxweynaha maamulkaasi koofur galbeed Shariif  Xasan Sheikh Aadan ayaa suxul duub adag waxaa uu ugu jiraa in uu helo kasloonida inteeda badan ee xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi.

Xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi gaar ahaan kuwa ka soo horjeeda madaxweyne shariiif ayaa sheegay iney ka hor tageen olale madaxweynahaasi uu waday ee uu ku doonayay in xasaanada lagala noqdo xildhibaanada uu is leeyahay waxee soo dooran karaan musharaf aan aheen shariif Xasan.

Xildhibaan Cabdi Xasan oo katirsan mudanayaasha Baarlamaanka koofur Galbeed oo wareysi siiyay Idaacada Simba ee magaalada muqdisho ayaa sheegay iney ka hor tageen dhagar uu waday Madaxweyne Shariif oo doonayey in uu meesha ka saaro Xildhibaanada isbadal doonka ah.

Dhageyso Xildhibaan Cabdi Xasan oo la hadlay Idaacada Simba

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*