Madaxweyne ku Xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Xilalkii Laga Qaaday

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa ku Dhawaaqay inay Xilkii ka Qaadeen Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyiha Baaralamaanka Cali Gacal Casir oo Taageersan Go’aankii Dhawaan Xildhibaanada Qaarkood ay Sheegay inay Xilkii uga qaadeen Madaxweyne Xaaf.

Kulan Magaalada Cadaado ay ku Yeesheen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo uu Shir Gudoominayey gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa Cod loo qaaday Mooshin ka Dhan ahaa Madaxweyne ku Xigeenka iyo Gudoomiyiha Baraalamaanka Galmudug.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sharci doro ku kulmaamay Xilka Qaadista la Sheegay in  lagu Sameeyey,Asaga iyo Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey waxa uuna Sheegay in Dadka Codeeyey ay Ahaayeen Dad Shacab ah oo ay soo Abaabuleen Madaxweyne Xaaf iyo Xareed Cali Xareed.

Xilka Qaadis lagu Sameeyey Madaxdaan ayaa timid Daqiiqado yar ka dib Markii Garabkii Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug Dhawaan Xilka ka Qaaday Madaxweynaha Galmudug ay ku Dhawaaqeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Dhowr iyo Toban Xubnood ka Kooban.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*