Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Furaya Kalfadhiga 4-aad Ee Baarlamaanka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah uu magaalada Muqdisho ka furo Kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Furitaanka Kalfadhigan oo la filayo iney ka qeybgalaan Xildhibaannada Labada aqal, guddoonkooda, xubno ka mid ah xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo marti kale ayaa lagu qaban doonaa dugsiga Generaal Kaahiye ee  Magaaladda Muqdisho

Sida uu qabo dastuurka KMG ee dalka u yaalla, madaxweynaha  ayaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda dalka sida Amniga, Hormarka  iyo shaqooyinka horyaalla dowladda ka jeedinaya furitaanka iyo xiritaanka kalfadhiyada.

Dhanka kale amaanka magaaladda Muqdisho iyo agagaarka Xarunta Jeneraal Kaahiye, ayaa aad loo adkeeyay waxaana amniga sugaya Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*