Madaxweyne Farmaajo Oo Fahad Yaasiin U Magacaabay Xil Culus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xillal cusub maanta u magacaabay saraakiil sar sare oo katirsan d

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u habeyn ballaaran ku sameeyay qaar kamid ah hay’adaha amniga dalka iyo Agaasinka Madaxtooyada Soomaaliya.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilalkii looga qaaday qaar kamid ahaa saraakiisha hay’adaha amniga Soomaaliya.

Xilalka cusub ee maanta uu magacaabay  Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa kamid noqday Fahad Yaasiin oo laga qaaday xilkii Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, waxaana loo magacaabay ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Ciidanka Nisa, iyada oo Abdalla Abdalla iyo Jaamac xilkii laga xanyuubiyay.

Agaasimihii Guud ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin ayaa ku eedeysan inuu hore uga danbeeyay weerarkii lagu qaaday Hoyga uu Muqdisho ka daganaa Cabdiraxman laguna dilay 6 askari oo katirsanaa ciidamada qaranka Soomaaliyeed, sida uu xaqiijiyay siyaasiga Cabdirahmaan C/Shakuur.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*