Madaxweyne C/wali Gaas oo Ka Hadlay Go’aankii Lagu Riday Xukuumadiisa

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadlay go’aankii baarlamaanku Maamulkaas kalsoonida kala laabtay Xukuumadiisa.

Madaxweynaha Gaas ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo go’aanka kasoo baxay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland islamarkaana ay awood u leeyihiin ay kala diraan Wasiiradda uu soo magaaabo.

“Sida aad lawada socotaan waxaa ay maanta oo taariikhdu tahay talaado 18,2017, ay golaha baarlamaanka Puntland kala noqdeen xasaanadii golaha Xukuumadda Dowladda Puntland , taasi oo ah arrin Dastuuri ah oo waajibaad-kooda shaqo ah,waasi waxay i faraysa Madaxweyne ahaan in aan Golaha Xukuumadda kusoo dhiso, muddada uu ii ogolyahay Dastuurku, anigoo la tashanaya Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland uuna qabo Dastuurka Puntland”, ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Sidoo kale waxaan ugu baaqay Shacabka reer Puntland in ay ka qeyb-qaataan amniga deeganada Maamulka lana shaqeeyaan laamaha amniga isla markaana taageeraan horumarka baaxada leh ee ka socda Puntland.

Ugu dambeyntii waxa uu ku booriyay ciidamada qalabka sida ee Puntland, in ay xoojiyaan amniga iyo xasiloonida dalka, isla markaasna ka feejignaadaan dhagaraha ay maleegayaan sharwadayaashu, aad iyo aad ayaa u mahadsantihiin”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*