Madaxweyne Cali Khaliif Galeyr Oo Laga Hor Istaagay In Uu Tago Buuhoodle

Wararka ka imaanaya degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa ku waramaya in Maanta halkaa ay ka taagantahay xiisad dagaal oo sida la sheegay ka dhalatay heshiis maalma ka hor magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka woqooyi galbeed ay ku wada gaareen maamulada la magacbaxay Soomaaliland iyo Khaatuma.

Xiisadda ayaa la tilmaamayaa inay ka dhalatay kadib markii la sheegay in degmada Buuhoodle uu tagayo hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr oo ku suganaa muddooyinkii dambe  Magaalada Hargeysa.

Maleeshiyaad hubaysan oo ka caraysan arintan ayaa la tilmaamayaa inay la wareegeen qeybo ka mid ah xaafadaha degmada kuwaasi oo sheegay inay ka hortagayaan in hogaamiye Galayr uu tago magaalada.

Wararka qaar ee aan helayno ayaa sheegaya in wafdiga uu hoggaaminayo Cali Khaliif Galayr barqadii maanta loo diiday inuu gudaha u galo Buuhoodle,waxaana laga cabsi qabaa in halkaa uu ka dhaco dagaal u dhexeeya Ciidanka Maamulka Soomaaliland iyo Maleeshiyaadka ku kacsan Cali Khaliif.

Maleeshiyaad hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay isku aruursanayaan  deegaanka Soojeede oo 40 -km u jira magaalada Buuhoodle.

Arintan ayaa imaanaysa iyadoo 10-ka Bisha Julay ay maar kale ka furmayaan wadahalada u dhexeeya Khaatuma iyo Soomaaliland,waxaana dad badan oo kasoo jeeda deegaanada Khaatuma ay aad u dhaliilayaan go’aanka Madaxweynaha Khaatuma uu wadahadalada uu kula furmay Maamulka Soomaaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*