Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo oo Goordhaweyd Soo Saaray Amaro Culus

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta kulan la qaatay Taliyayaasha Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa kala hadlay arrimaha amniga dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Taliyayaasha uu la kulmay waxa uu kula dardaarmay in si hufnaan ah loogu shaqeeyo sugida amniga Mgaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya, islamarkaana laga Fogaado wax walba uu dhibaato u keeni kara shacabka Soomaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa taliyayaasha Ciidamada Dowladda Soomaliya waxa uu ku amray in cadaaladda la horkeeno askari ka Tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed oo sidoo kale kamid ah ilaaladda Abaandulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed kaasi oo shalay si bareer ah ugu dilay qof shacab ahaa Laami Yaraha Zoobe ee Magaalada muqdisho.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Maxamed aadan Axmed(Bood) oo kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in gacanta lagu hayo askarigii dilay qofka shacabka ahaa islamarkaana cadaaladda la horkeeni doono dhawaan.

Ugu dambeyntii Taliyayaasha Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa isku raacay In Ciidamada Malatariga Dowladda Federaalka Soomaliya in laga saaro Magaalada, islamarkaana amaanka magaalada muqdisho lagu haleeyo Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Booliska Soomaliyeed, madaama Malatariga ay maalmihii dambe shacabka kula kacayeen waxyaalo aan loo dulqaadan Karin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*