Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Taliska Booliska Gobolka Bari

Madaxweynaha Maamulka puntland Saciid C/laahi Deni ayaa magacaabay taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in xilkaan loo magacaabay Xuseen Cali Maxamuud,hahalka Taliye ku-xigeenka loo magacabay C/rashiid Barre Maxamed (Aamusane).

Taliyaha cusub ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ka shaqaynayey Bangiga dhexe ee magaaladda Boosaaso.

Taliska qaybta Booliska gobolka Bari ayaan muddo ku dhow sanad si rasmiya u shaqeyn, iyadoona masuulkii taliyaha ugu magacownaa uu kamid noqdey bilihii u dambeeyey xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, kadib markii madaxweynihii hore ee Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo fara gelin ku sameeyey xildhibaanada Baarlamaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.