Madaxweynaha Puntland oo Isku Bedel Ku Sameeyay Qaar Kamida Agaasimayaasha Guud

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu soo saaray, wuxuu isku badalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Isgaariinta Boostada, Hiddaha Iyo Dhaqanka iyo Guddoomiayaha ee Hay’adda Qandaraasyada Puntland.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Gaas sidan ayeey u qorantahay :- ” Xeer Madaxweyne Lr. 109 August 20, 2018, kuna saabsan isku bedel Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Isgaariinta Boostada, Hiddaha Iyo Dhaqanka iyo Guddoomiayaha ee Hay’adda Qandaraasyada  Puntland.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka  Puntland

Markay tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Waxuu Xeeriyey:

Waxaa Ibraahim Cumar Aadan loo bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaariinta Boostada, Hiddaha Iyo Dhaqanka  Puntland.

Waxaa Mowliid Abokor Abkey loo Bedelay Guddoomiyaha Hay’adda Qandaraasyada  Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu “

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*