Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo Magaaladda Muqdisho Soo Gaaray

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed madoobe), ayaa maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho.

Axmed Madoobe waxaa safarkiisa muqdisho ku wehlinaya wasiiro iyo xildhibaano ka Tirsan Maamulka Jubbaland,waxaa sidoo kale la socda Ciidamo hubeysan.

Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga, iyo xildhibaano.

Madaxweynaha Maamulka  Jubbaland ayaa Magaaladda Muqdisho joogi doona maalmo,wuxuuna kulamo la qaadan doonaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida Madaxweynaha, Raisulwasaaraha iyo Xildhibaanadda labadda aqal ee laga soo doortay Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa haatan isku soo dhawenaya kadib safarkii Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre uu ku tagay magaaladda Kismaayo,waxaana safarkaas agaasimay Ku-simaha agaasimaha Hay’adda Nabadd Sugidda Fahad Yaasiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.