Madaxweynaha Kenya oo UN-ka Ka Dalbaday in Laga Taageero Dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha dalka Kenya Uhura Kenyatta ayaa sheegay in ay u baahan yihiin ciidamada nabad ilaalinta ujooga soomaaliya sidii looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Uhura Kenyatta ayaa hadalkaan ka sheegay shirka caalamiga ah oo ay qabatay hay’adda qaramada midoobay ee lagu qabtay magaalada New York ee dalka mareykanka isagoona ka dal baday goloha amaanka in ay laba jibaaraan taageerada mida Millitary iyo mid dhaqaaale ee lagu bixiyo ciidamada midowga Africa AMISOM ee nabad ilaalinta ujooga soomaaliya.

Hay’adda qaramada midoobay iyo mudowga yurub ayaa dhaqaalo xoogan waxaa ay ku bixin jireen howlgalka nabad ilaalineed ee dalka kuwaa oo garab kusiinaya ciidamada dowlada soomaaliya dagaalka kadhanka ah Alshabaab.

Madaxweyne Uhura Kenyatta ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa uu la kulmayay caadisyo xoogan oo kaga imaanayay  qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka dalkaasi kuwaa oo kadalbana in ciidamada difaaca Kenya ee kusugan soomaaliya laga soo saaro maadaama amniga guud ee Kenya uu lugaha lagalay amni daro xoogan tan iyo sanadii 2011-kii kadib markii ay ciidanka Kenya ku biireen howlgalka midowga Africa amisom ee nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*