Madaxweynaha Jubbland oo ka Hadlay Dilka loo Geystay Cabdiqaadir Ibraahim Xasan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Alla ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan oo Al-Shabaab ay ku dileen Magaalada Kismaayo.

Madaxweynahu wuxuu Alle uga baryay Nabadoonka in Janadii fardowso uu ka waraabiyo isagoo dhinaca kalana Hay’adaha amaanka faray in baaritaan deg deg ah ay sameeyaan gacantana ay kusoo dhigaan kuwii ka danbeeyay falka Argagixisonimo ee lagu dilay Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan.

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay magaaladda kismaayo gaar ahaan Xaafadda Shaqaalaha ku dilay Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan(Jeeri).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.