Madaxweynaha Cusub ee Puntland Dani oo Si Rasmi ah Xilka Ula Wareegay+Sawirro

Madaxweynaha Cusub ee Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay Xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Munaasabadda Xil wareejinta ayaa ka dhacday barxadda Madaxtooyadda puntland ee magaaladda Garowe,waxaana ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano iyo Culimadda Puntland.

Mdaxweynihii hore ee Puntland C/wali Gaas ee maanta Furaha Madaxtooyadda wareejiyey ayaa shaqaalaha Madaxtooyada ka codsadey inay la shaqeeyaan masuuliyiinta Cusub.

Dhanka kale Madaxweynaha Cusub Saciid Dani oo goobta ka hadlay ayaa kaga mahadceliyay Gaas halka uu soo gaarsiiyay Puntland 5-tii sano uu xilka hayay.

Madaxwaynaha iyo ku-xigeenkiisu ayaa haysta xil wareejinta kadib 21 beri in ay ku soo dhisaan xukumadd cusub.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.