Madaxii Al-shabaab u Qaabilsanaa Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa oo La Dilay

Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab, islamarkaana lagu dhaawacay 3-dhalinyaro oo la socotay oo ka dhacay Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Saraalka howlgalka lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Abuuker Xasan Caddde oo magaca Al shabaab u yaqaaneen uu ahaa Sayid Abuukareey,islamarkaana u qaabilsanaa Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo Warbaahinta u sharaxay sida uu u dhacay Howlgalka ay fuliyeen Ciidanka Booliska gaar ahaan Qeybta Guud ee Gobalka Banaadir.

“Ciidanka Booliska waxay ku guuleysteen inay qaadaan Howlgal ay ku dileen Amiir Al shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Qeybta Bari ee Gobalka Banaadir, waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay iyagoo dhaawacyo ah sedex ka mid ah dhalinyaro la socotay, Ciidanka Booliska waxay doonayeen inay soo qabtaan isagoo bad qaba si Sharciga loo horkeeno laakiin weerar ayuu qaaday wuxuu ka dilay Ciidanka Hal Askari, midna wuu ka dhaawacay, ka dib danta waxay ku qasabtay Ciidanka Booliska inay talaabo ka qaadaan wayna dileen”.ayuu yiri Afhayeenka Gobalka Banaadir.

Dhanka kale Ciidamadda Dowladda Soomaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlgaladda ay ka sameeyaan Magaalada Muqdisho,waxaana gacanta lagu dhigay Rag lala xiriirinaayo kamid ahaanshiyaha Al-shabaab.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*