Madaxda Hay’adda Nabadd Sugidda oo Shabaabnimo Lagu Eedeeyay!

Taliye ku-xigeenkii hore ee Nabadsugida Soomaaliya Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa dacwad kusoo oogay Agaasimaha Hay’ada Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen  iyo ku-xigeenka Hay’adda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xubnahaan ayuu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen falal isaga lagula kacay, wuxuuna sheegay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab oo uu caddeyn u hayo,islamarkaana uu u gudbiyay Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida.

Warqadan ayaa ku taariikheysneyd 2-dii bishan September, waxaana ka muuqata sumadda qabashada Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*