Madaxda AMISOM oo Muqdisho Ku Leh Kulan Loogu Hadlaayo Bixitaanka Ciidamadooda

Kulan looga hadlayo horumarinta qorshaha iyo Strategy yada ay Amisom kaga baxeyso Soomaaliya islamarkaana soconayo 4 maalmood ayaa Taliyeyaasha ugu sareeya ciidamada Millitaryga midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga Somalia kaga furmay Muqdisho.

Kulankan waxaa isugu yimid taliyeyayaasha howlgallada Military ee Amisom, Xubno ka socdo ciidamada qaranka Somalia, Qaramada Midoobay iyo xubno kale oo beesha caalamka ah.

Ku-xigeenka madaxa Amisom Simon Mulongo ayaa sheegay in qorshahan lagu cadeeynayo howlaha fulinta u baahan ee horyaala Amisom iyo taageerada loo baahan yahay si loo fuliyo howlgalada.

“Waxaan u baahanahay inan kheyraadka yar ee aan heli karno aan ku qabanaa shaqo badan oo aan ku taageereno Amisom si ay u fuliso waajibadkeeda oo ah ilaalinta Somalia,” ayuu yiri Mulongo oo hadal ka jeedinayey furitaanka shirka.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa uu hagayaa Strategy yadda ay Amisom kaga baxeyso Somalia iyo howlgallada Military ee ay Amisom ka sameyneyso Somalia inta u dhaxeyso 2018 ilaa 2021.

Mulongo ayaa ku boorriyay taliyayaasha in ay la yimaadaan qorshe hawleed dhab ah si guul looga gaaro howlaha la fulinayo.

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo la rajeynayo in 1000 askari laga dhimo ciidamada Amisom bishan feb 28, iyada oo la raacayo go’aankii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee July 2018.

Sida laga soo xiganayo qaraarkan, AMISOM waxa ay u baahan tahay inay dhinto tirada ciidamadeeda isla markaana ay ka dhigto 20,626 marka la gaaro Feb. 28, 2019.

Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM, Tigabu Yilma Wondimhunegn, ayaa dhankiisa sheegay in ay diiradda saari doonaan howlgalada ay doonayaan in ay la beegsadan al-Shabaab si ay u yareeyaan awoodooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.