Madaale:-“Taliyayaal Xilalka Laga Qaado Laguma Sugi Karo Amniga”,+Dhageyso

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka banaadir ahaana Duqa Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay Qaraxyadii ka dhacay Magaaladda Muqdisho, iyo is badalka lagu sameeyay Taliyayaasha Booliska Saldhigyadda Magaalada Muqdisho.

Madaale oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa ugu horeyntii tacsi u direy eheladii dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Magaaladda.

Waxa uu sheegay In niyad jab ay tahay in Magaalada Muqdisho ay maalin walba martigaliso qaraxyo dad muhiim ah lagu dilo.

Dhaka kale waxa uu sheegay in waxba soo kordhin doonin Taliyayaasha xilalka laga qaaday iyo kuwa la magacaabay.

Waxa uu sheegay in amniga Magaalada Muqdisho lagu sugi karo in ay iskaashadaan shacabka iyo Ciidamadda amaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.