Maamulka Shabeelaha Hoose oo Soo Saaray War Ku Saabsan Shabaab+Dhageyso

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar duqeyn ahaa oo lagu qaaday dagaalyahano Ka Tirsan Shabaab oo saldhig ku leh deegaanka Janaale.

Maxamed Ibraahim Barre oo ah Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay idaacada Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in duqeyntii todobaadkaan lagu qaaday Shabaab in khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay.

Waxa uu sheegay in dhowr askari laga dilay Shabaab,islamarkaana kuwa kale iyagoo dhaawac ah gacanta lagu soo dhigay Maxkamadna lasoo taagi doono.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in lasii kordhin doono duqeymaha lala beegsado Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*