Maamulka Kaxda oo Soo Bandhigay Labo Nin oo Ku Shaqaysan Jiray Kaarar been abuur ah+Sawirro

Ciidamadda amaanka Degmadda Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay laba nin, oo sida la sheegay ku shaqaysan jiray kaarar been abuur ah.

Labadan nin oo lala soo qabtay gaari NOAH ahaa, ayaa lagu eedeeyay inay dadka barakacayaasha ee ku nool Degmada Kaxda u qaybinayeen kaararkaasi.

Gudoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/laahi, oo soo qabashada ragaan kadib wariyayaasha kula hadlay xarunta Degmadda ayaa sheegay in muddo dheer lagu daba joogay raggan, ugu dambeena ay suurtagashay in gacanta lagu soo dhigo.

Waxa uu Sheegay in lagu soo wargeliyay rag ku shaqaysanaya kaarar loo ekeysiiyay kuwa ay bixiyan hay’adaha ka shaqeeya arrimaha sama-falka iyo midka uu bixiyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale mid ka mid ah ragga la soo bandhigay oo magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdi Maxamed, ayaa iska fogeeyay inuu wax ka ogyahay samaynta kaararkaasi, balse uu yahay shaqaale maalintii toban dollar ($10) ku qaadanayay in la suuq-geeyo kaararkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*