Maamulka Gobolka Banaadir oo Furay Waddo Loo Xirey Sababo Amni+Sawirro

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda  Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa saaka ku guuleystay in dib loo furo wadada isku xirta Isgoyska Shaqaalaha iyo KPP Degmada hodan, taasoo in muddo ah u xirneyd Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Ugu horeyntii Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wadadan ay halbowle u tahay isu socodka qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow ayaa dhankiisa sheegay in  wixii hada ka dambeeya ay furan tahay wadadaisku xirta Isgoyska Shaqaalaha iyo KPP.

Wadaan manta dib loo furey ayaa  fududeyneysa marka wadada Maka Al-Mukarama uu noqoto mashquul in la aado waddooyinka kale, sidoo kale gaadiidka raba inuu aado dhanka Isgoyska KPP ayaa ku qaadaneysay inuu soo maro waddo wareeg aheyd.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*