Maamulayaal Iskuul oo Caawa Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho+Magacyo

Wararka ka imaanaaya Xaafadda Suuqa Xoolaha Degmadda Heliwaa ayaa ku waramaya in Kooxo hubeysnaa ayaa caawa halkaas ku dileen Maamulayaal Iskuul.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka rag ku hubeysnaa bastooladdo ayaa fuliyay dilka Labadda Maamule, kuwaasi oo maaamule iyo Maamule ku-xigeen ka ahaa  Iskuulka Alfuraad oo ku yaala Suuqa Xoolaha.

Maamulaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray maxamed Cabdullaahi Xasan halka Maamule ku xigeenka lagu Magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Xasan.

Kooxihii ka dambeeyay dilkaan ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana la xaqiijiyay in ay sii aqaateen Qalab ay wateen,sida Mobelo iyo Computero.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*