Kheyre oo Sheegay in Horumar Laga Sameeyey Amniga iyo Dhaqaalaha Dalka+Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa daah furay shirka Qaran ee (Somali Partnership Forum) ee ka dhacay magaalada Muqdisho 4-ilaa 5-ta bishan December.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray, arrimaha amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo banii’daamnimada, waxaana qeybta danbe shir guddoomineyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Iyadoo ay hadallo ka jeediyeen madaxda dawlad gobolleeyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Wakiillo ka socday bulshada Caalamka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka hadlay horumaradii ay dawladdu gaartay 8dii bilood ee la soo dhaafay, waxaana uu sheegay in horumar ballaaran laga sameeyey dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha guud. Sidoo kale waxaa la muujiyey sida ay laga maar-maan u tahay in dalka ay ka dhacdo doorsho qof iyo cod ah sanadka 2020.

Waxuuna ugu baaqay dalalka iskaashiga la leh Soomaaliya inay maalgashi ku sameystaan dalka, maadaama uu amnigu soo hagaagayo.

Madaxda shanta maamul Gobolleed ayaa dhankooda codsaday in laga caawiyo dhanka amniga iyo dhaqaalaha, si kor loogu horumarinta bulshada iyo dagaalka Al-shabaab.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa soo xiray shirka, isagoo ugu baaqay bulshada caalamka inay ka dhabeeyaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumarka la higsanayo.Booliska+Sawirro

Madaxweyne ku xiggeenka Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta  magaaladda Jowhar, kulan qado sharaf ah ugu sameeyey saraakiil Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka socday, kuwaasi oo uu kala hadlay arrimo ku saabsan amaanka  iyo tababarka Ciidanka amaanka ee ka howlgala deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Mudane Cali guudlaawe, ayaa saraakiishii uu kulmay oo loo xilsaaray in hirshabeelle ay kala shaqeeyaan tababarka Ciidamada Booliska kula dardaarmay  inay  tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo Ciidanka amaanka ay joogto u  siiyaan, ayna kaalin weyn ka qaataan nabadeynta deegaanada maamulkaasi.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka tirsan ee Hirshabeelle u aaday tababarka Ciidanka amaanka ee maamulkaasi, ayaa qeyb ah qorshaha Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya  ay wado ee ku aadan in Maamulada dalka ka jira laga caawiyo   tababarka  iyo qalabeynta  Ciidanka Nabad gelyada ee qaabilsan amaanka gudaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*