Khasaaraha Ka Dashay Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Inta la xaqiijiyay askari ka Tirsnaa Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhintay kadib qarax lagu xiray gaari uu watay.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Xaafadda Seybiyaano Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa ahaa  Noocda Soomaalida u taqaano Crip waxaana saarnaa askariga oo kaliyah,wuxuuna qarxay xili uu ku dhawaa beerta Qaadka Lagu iibiyo.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana goobta laga qaaday meydka Askariga.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaan ka dhacay Magaalada muqdisho.

Mudooyinkii dambe waxaa Magaaladda, kusoo batay qaraxyadda Gawaaridda lagu dhajiyo ee lala beegsado shaqsiyaadka Dowladda u shaqeeya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*