Kenya oo Sheegtay in uu Jiro Walwal La Xiriira Weerar Al-shabaab ay Fuliyaan

Police-ka Kenyaa ayaa tilmaamay inay jirto walwal badan oo la xiriira weeraro ay Al Shabab qorsheynayaan inay ka geystaan deegaanada u dhow xadka ay la wadaagaan Somaliya.

Dagaalyahanada Al Shabaab oo ka dagaalamo Somalia ayaa gudaha dalka Kenya ka geystay weeraro badan oo ay ku dhinteen saraakiil iyo ciidamo Kenyan ah.

Weerarada oo sii kordhayey todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa badi waxaa lala beegsaday magaalooyinka Mandera, Wajir and Garissa oo ku dhow xadka ay wadaagaan dalalka Somalia iyo Kenya.

Police-ka kenya ayaa hadda bixiyey digniino ku aadan weeraro is daba joog ah oo ay Al Shabab la maagan tahay deegaanada ku teedsan xuduuda ay la wadaagto Somalia.

Police-ku waxa ay tuhunsan yihiin in dagaalyahanadu ay weerari kataan deegaanada Sheikh Barrow, Arabia, Fino, Damasa in Lafey, Alungo, Warankara, Falama, Elrhamu and Garsesala oo hoostago Mandera County.

Sidoo kale police-ku waxa ay sheegeen in deegaano ka tirsan Wajir County sida Kotulo, Mansa, Boji, Diif, Konton and Khorof Harar. Iyo deegaano kale oo ka tirsan Garissa, sida Liboi, Kulan, Hulugho, Bodhai, Boni forest, Galmagala, Amuma and Hamey ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al Shabab islamarkaana ay doonayaan inay ka fuliyaan weeraro argagixiso.

Jimcihii lasoo dhaafay dagaalyahano Ka tirsan Al Shabab ayaa weerar ku qaaday Deegaanka Yumbis oo hoos tago Garissa, waxa uuna police-ka Kenya sheegay in 3 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabab lagu dilay weerarkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.