Kenya oo La Sheegay in ay Ku Lug Leedahay Khilaafka Dowladda iyo Jubba-land

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug leedahay khilaafka u dhaxeeya dowladda Dhexe ee Somaaliya iyo Maamul Goboleedka Jubba-land.

Korneel aadan Rofle Oo kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo, oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda mudqisho ayaa sheegay in Kenya ay taahy dowladda kaliyah ee saameynta weyn ku leh Khilaafka Labadda dhinac.

Waxa uu sheegay in amaradda kasoo baxa Dowladda Kenya loogu shaqeeyo Madaxtooyadda Jubba-land ee Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxa uu sheegay shirkii dhawaan ay ku yeesheen magaaladda kismaayo Madax Maamul goboleedyadda, ay saameyn ku leheyd Dowladda Kenya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*