Kenya:-”14-shabaab ahaa ayaa Ku Dilnay Deegaanka Kulbiyow”,

War kasoo  baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in weerarkii ka dhacay deegaanka Kulbiyow ee Gobolada Jubada Dhexe Al-shabaab loogu dilay 14-dagaalyahan islamarkaana Ciidamada Kenya ay guul ka gaareen weerarkaas.

Kenya waxa ay sheegtay in Al-shabaab ay damacsanaayeen in labo gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa in ay la galaan Saldhiga Ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow  ee Jubada Dhexe islamarkaana weerar toos ah ay fuliyeen, balse ay ka hortageen Ciidamada Kenya.

“Al-shabaab waxa ay doonayeen in labo gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa in ay la galaan Xirada ay Ciidamadeena ku leeyihiin deegaanka kulbiyow,kadibna ay weerar fuliyaan balse arintaas waa laga hortagay,14 oo shabaab ah ayaa lagu dilay weerarkaas”, ayuu lagu yiri war kasoo baxay dowladda Kenya.

Dhanka kale ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*