Kaafi Bashiir Bahweyn oo Lagu Dilay Magaalada Toronto ee Dalka Canada

Magaalada Toronto ee dalka Canada, gaar ahaan xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Weston and Lawrence, waxaa lagu dilay Wiil Soomali ahaa oo da’diisa lagu sheegay 30 sano jir.

Wiilkaan oo magacsiisa la oran jiray Kaafi Bashiir Bahweyn oo kamid ahaa Soomaalida halkaas ku nool ayaa waxaa toorrey ku dilay dhllinyaro kale oo la sheegay in ay iyaguna ahaayeen Soomaali.

Yuusuf Maxamed Xuseen (Yuusuf Kowneyn) oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee Toronto, islamarkaana si shaqsi ay u yaqaanay wiilka la dilay iyo qoyskiisa, ayaa sheegay In falka ay geysteen dhalinyaro Soomaali ah,islamarkaana ay baxsadeen falka kadib.

Dhanka kale Ciidamadda Booliska Magaaladda Toronto ee dalka Canadda ayaa wada baaritaano ku aadan sidii loosoo qaban lahaa kooxihii ka dambeeyay dilka Ala Ha U Naxariistee  Kaafi Bashiir Bahweyn.

Magaalooyinka dalka Canadda waxaa mudooyinkii dambe kusoo batay dilalka loo geysto dhalinyaradda Soomaaliyeed,waxaana sanadkaan la diiwaan galiyay dhowr kiis oo dilal ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*