Jubba-land oo Taliye u Magacowday Degmadda Afmadow ee Gobolka Jubadda Hoose.

Taliyaha Ciidamadda Booliska Maamulka Jubba-land, Janeraal Aaden Koojaar ayaa taliye cusub u magacaabay Degmadda Afmadow ee Gobolka Jubadda Hoose.

Gaashaanle dhexe Siyaad Macalin Bashiir ayaa loo magacaabay Taliyaha Amniga degmada Afmadow sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska taliyaha.

Arintaan ayaa ayaa kusoo aadaysa xili shalay guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen loo magacaabay Degmadda Afmadow ee Gobolka Jubadda Hoose.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*