Jubba-land oo Hakisay Wada Shaqeeyntii Kala Dhaxeysay Dowlada Soomaaliya

Maamul Goboleedka Jubba-land ayaa sheegay in uu hakiyay dhamaan wadashaqeyntii uu lahaa Wasaaradaha Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Axmed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay warkaan.

“Dowladd Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa fartay dhammaan hay’adaheeda dawligga ah in la hakiyo wada shaqayntii ay la lahaayeen hay’adaha iyo Wasaaradaha dowladda federaalka”, ayuu yiri Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Maamulka Jubbaland.

Arintaan ayaa imaanaysa xili todobaadkaan Maamul goboleedyadda dalka ka jira ay isku raaceen in ay hakiyaan xiriirkii ay lahaayeen Dowladda Dhexe ee Soomaaliya,waxayna ku eedeeyeen in ay ugu baxday balamo horey loo galay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*