Jookar:-“Dagaal ayaa Loo Horseedi Doonaa JL Haduu Soo Laabto Axmed Madoobe”,!

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubb-land ayaa walaac ka muujiyay soo laabashadda Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe).

C/nuur Jaamac (Jookar), oo ah siyaasi kasoo jeeda deegaanadda Jubbland ayaa sheegay in hadii uu soo laabto Axmad Madoobe dagaal loo horseedi doono Jubba-land.

Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe sanadihii uu xukumayay Jubbaland uu maamulka dhaafi waayay Magaaladda Kismaayo,islamarkaana Shabaab ay ku sugan yihiin Goboladda Jubadda Dhexe iyo Gedo.

Madaxweynaha Jubbland oo waqtigiisa dhamaad yahay ayaa haatan dadaal ugu jira sidii uu xukunka ugu soo laaban lahaa.

Shalay waxa uu soo gaaray magaaladda Muqdisho,waxaana uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.